Bandow looga dhawaaqay caasimadda Kyiv ee Ukraine

0
547

Duqa caasimadda Kyiv ee dalka Ukraine ayaa amar ku bixiyay in bandow lagu soo rogo magaaladaasi.
Tani ayaa jawaab u ah duullaanka Ruushka uu ku qaaday wadanka Ukraine.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii la arkay dad badan oo caasimadda deggan ee isku dayaya in ay gawaari ku qaxaan, iyaga oo raadinaya goob ay naftooda ula baxsadaan islamarkaana ay xireen waddooyinka waaweyn ee magaala madaxda dalka Ukraine.