Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lagu wadaa in maalinta Axadda oo taarikhdu ku beegan tahay 27-ka bishan uu u dhoofo dalka Maraykanka.
Dr. Ruto ayaa lagu wadaa inuu ka qayb galo wadahadal ku saabsan mustaqbalka dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha Kenya, bariga Afrika, iyo qaaradda.
Ku xigeenka madaxweynah dalka ayaa ka qayb qaadan doona dooddaan iyada oo ay wehliso xubin ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo lagu magacaabo Karen Bass 2-da bisha soo socoto ee Maarso
“Waxaa sharaf noo ah inuu marti inoo yahay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto oo aan ka wada hadli doono mustaqbalka dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha Kenya, bariga Afrika iyo si guud qaaradda Afrika” ayaa laga soo xigtay hay’ad caalami ah oo horumarisa iskaashiga u dhexeya qaaradaha adduunka
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa shirar isdaba joog ah la qaadan doono muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku sugan dalka Mareykanka, si uu taageerro dibadeed ugu raadiyo ololihiisa uu ku doonayo xilka madaxtinimo ee dalka.