Uhuru Kenyatta: Ruto maaha shakhsi lagu aamin karo hoggaanka ugu sarreeya ee dalka

0
577

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay in ku xigeenkiisa uunan u qalmin qabashada hoggaanka ugu sarreeya ee wadanka ee doorasahda guud bisha siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu xusay in doorasahda soo socoto uusan garab siin doonin William Ruto, balse mustaqbalka uu ka fiirsan doono haddii ku xigeenka madaxweynaha dalka uu hab dhaqankiisa wax ka beddelo.
Mr.Kenyatta ayaa dhanka kale doonayo in uu dhimo saameynta uu Ruto ku leeyahay gobolka bartamaha dalka, isaga oo u xaglinaya hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa tilmaamay in William Ruto uunan daacad ahayn sidoo kale ku habbooneyn hoggaanka madaama sida uu hadalka u dhigay u dulqaad yar yahay.
Madaxweynaha dalka ahna hoggaamiyaha xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee ayaa si cad u sheegay in hamiga madaxtinimo ee Ruto la tixgelin karo oo kaliya mustaqbalka, waa haddii uu hab dhaqankiisa wax ka beddelo.
Waxaa uu intaasi ku daray in Ruto aan lagu aamini karin gobolka Mt. Kenya marka ay timaado kursiga ugu sarreeya ee dowladda.
Heshiiskii taariikhiga ahaa ee sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga taas oo dhinac isaga dhigeen khilaaf siyaasadeed oo u dhexeyay iyagoo u daneynaya dalka.
Hasa ahaate heshiiskaasi ayaa dhaawacay xiriirka sagaalka sano ee hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka iyo ku xigeenkiisa William Ruto.