Madaxweynaha dalka oo sheegay inuu ku xigeenkiisa ku wargeliyay heshiiskii isaga iyo Raila ee 2018-kii

0
417

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ku xigeenkiisa William Ruto uu dadweynaha ku marin habaabiyay sidoo kalena fikrad khaldan ka dhaadhiciyay, taasoo ku aadan heshiiskii taariikhiga ahaa ee sanadkii 2018-kii dhex maray isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga taas oo dhinac iskaga dhigeen khilaaf siyaasadeed oo u dhexeyay iyagoo u daneynaya dalka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in William Ruto uu ku wargeliyay dadaalkiisa uu ku raadinayay inuu heshiis siyaasadeed la gaaro ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Hasa ahaate uu madaxweyne ku xigeenka dalka mowqif adag ka qaatay isfahanwaaga daba dheeraaday ee ka dhashay doorashadii muranka badan dhalisay ee sanadkii 2017-kii.
Heshiiskii dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa dhaawacday xiriirka sagaalka sano ee hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka iyo ku xigeenkiisa William Ruto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu aad uga carooday waxyaabihii dhacay ka dib doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii, uuna aad u daneynayay in lala heshiiyo Odinga, balse ku xigeenkiisa uu qaatay go’aan adag.
Mr.Kenyatta ayaa xusay inuu doortay in meesha laga saaro isqabqabsiga siyaasadeed islamarkaana uu la wadaagay ku xigenkiisa.
Waxaa uu intaasi ku daray inuusan waxba ka qarin ku xigeenkiisa William Ruto ee ku aadan is gacan qaadkii isaga iyo Raila.
Waxaa uu ugu dambeyn carrabka ku dhuftay in William Ruto uunan ka run sheegin arrimaha ku saabsan heshiiskii 2018-kii, isaga oo xusay inaan lagu wargelinin.