Isbeheysiga Kenya Kwanza oo ololahooda geeyay gobolka bari ee dalka

0
715

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ayaa maanta ololahooda siyaasadeed u bandhigeen dadweynaha ku nool deegaannada bariga dalka ee Ukambani.
Waxaa ay socdaalkooda maanta ka bilaabeen ismaamulka Makueni.
Madaxdan ayaa dadweynaha ka codsanaya inay taageero u muujiyaan 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan oo lagu wado in Kenya ay ka dhacdo doorashada guud.
Waxay adeegsanayaan xeeladda siyaasadeed ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo iyadoo si gaar ah loo garab istaagaya dhallinyarada shaqo la’aanta ah , ganacsatada yaryar iyo danyarta.
Ruto, Musalia iyo Wetangula ayaa ballanqaadaya in hadii mid ka mid ah uu ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya wadanka ay wax ka beddeli doonaan dhaqaalaha Kenya oo saameyn wayn uu ku yeeshay cudurka COVID-19.
Waa markii saddexaad uu muddo 2 bilood gudahood ee madaxweyne ku xigeenka dalka booqanaya gobolka bari ee dalka.