Guddiyada EACC iyo SRC oo heshiis saxiixday

0
326

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maanta heshiis is afgarad ah la saxiixday dhigooda musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC si loo hago howlaha shaqo ee labada guddi.
Heshiishkan ayaa looga gol leeyahay in dalka loogu horseedo adeeg hufan.
Guddoomiyayaasha labada guddi oo ka hadlay heshiiska ay wada saxiixdeen ayaa sheegay in wadashaqeyntooda ay keeni doonto hufnaan iyo isla xisaabtan dhanka adeegyada ah.
Sidoon kale wadashaqeyntooda ayaa gacan ka gaysan doonto in gacanta lagu dhigo shakhsiyaadka ku lugta leh falalka lagu lunsanayo kheyraadka dadweynaha.
Guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC ayaa dhanka kale ballanqaaday in uu guddiga EACC uu soo bandhigayo caddeymo, haddii ay dhacdo in maxkamad la soo taago shakhsiyaad lagu soo oogay falal musuqmaasuq ah.