Wakiilka haweenka ee Murang’a oo ku guuldareysatay inay kasoo hormuuqato IEBC

0
619

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka Sabina Chege ayaa maanta ku guuldareysatay inay iska xaadiriso xarunta dhexe ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka (IEBC).
Guddiga ayaa toddobaadkii hore u yeeray Chege si ay uga jawaabto hadal ay ka jeedisay ismaamulka Vihiga oo hadal hayn abuuray.
Hasa haate, wakiilka haweenka ee dowlad deegaanka Murang’a ayaa la sheegay in isbitaal la dhigay.
Qareennada matalaya Sabina Chege ayaa ka codsaday qaybta IEBC u qaabilsan habdhaqanka inay dib u muddeeyaan dhageysiga dacwadda ay wajaheyso haweeneydan.
Senatarka ismaamulka Siaya James Orengo iyo mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Rarieda ee dowlad deegaankaasi oo ah qareenada matalaya Sabina Chege ayaa laga soo xigtay in wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a la dhigay isbitaalka Nairobi Hospital 16-kii bishan.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa sidaas darteed u dib u dhigay dhageysiga dacwaddan, ilaa 8-da bisha soo socoto ee sanadkan.
Waxaa uu dhanka ku boorriyay inay ka fogaato in dacwadda ay wajaheyso uga hadasho goob fagaare ah.
Haweeneydan ayaa toddobaadkii hore sheegtay in horay loo dhacay natiijada doorashada guud oo ayna suurtagal tahay in natiijada codeynta bisha sideedaad ee sanadkan lagu shubto.
Hasa ahaate waxaa taasi beeniyay siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.