Kenya oo ka hor timid tallaabada uu Ruushka ugu aqoonsaday dalal madax banaan 2 gobol oo ka go’ay Ukraine

0
429

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan soo dhaweyneen tallaaabada Ruushka ugu aqoonsaday dalal madax banaan labada gobol ee Donetsk iyo Luhansk ee ka go’ay bariga dalka Ukraine.
Wakiilka joogtada ah ee Kenya u fadhiya golaha ammaanka ee qaramada midoobay Martin Kimani oo ka qayb galay kulan degdeg ah uu golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso ka yeeshay tallaabada uu Ruushka qaaday, ayuu sheegay in Kenya ay aad uga walaacsan tahay go’aanka dowladda Ruushka ay ugu aqoonsatay dowlado madax banaan laba gobol ee ka go’ay bariga wadanka Ukraine.
Waxaa uu xusay inaysan dafiri karin in ay jiraan walaacyo amni oo halis ah oo ka jira gobolladan oo uu Ruushka aqoonsaday.
Hasa ahaate tallabadan ay sii hurin karto xasaradda u dhexeyso dowladaha Ruushka iyo Ukraine.
Mr.Kimani ayaa intaasi ku daray in dhowrkii sano ee la soo dhaafay qaar ka mid ah dalalka caalamka ugu horreeya ee xubin ka ah golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay ku xad gudbeen sharciga caalamiga ah iyagoo aan tixgelin siinin.
Waxaa uu dhanka kale ku boorriyay xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres in isugu yeero xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay si loo difaaco xeerarka u degsan golahan.