Madaxweynaha dalka oo u hambalyeeyay madaxa cusub ee hay’adda maaliyadda IFC

0
609

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa farriin hambalyo ah u diray Makhtar Diop oo noqday madaxa cusub ee fulinta iskaashiga caalamiga ee maaliyadda (IFC) .
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in magacaabidda mas’uulkan oo ku takhasusay culuunta dhaqaalaha ay kaalin weyn ka qaadan doonto horumarinta waaxyaha sida gaarka ah loo leeyahay ee qaaradda Afrika.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in maadaama Kenya ay xubin ka tahay bangiga adduunka ay waxyaabo badan ka faa’iidi doonto iskaashiga kala dhexeya IFC.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa madaxa fulinta ee hay’adda maaliyadda adduunka ee IFC Makhtar Diop u xaqiijiyay in Kenya ay sii xoojin doonto xiriirka kala dhexeya hay’addan.
Hay’adda IFC oo xarunteedu tahay magaalada Washington ee Maraykanka ayaa ka mid ah hay’adaha xubnaha ka ah bangiga adduunka.
Waxay bixisaa adeegyo isugu jiro maalgalin , talasiin iyo maareyn hantiyeed.
Mr .Diop ayaa horay u soo noqday wakiilkii bangiga adduunka ee dalka Kenya.
Sidoo kale waxaa uu ahaa wasiirkii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee dalka Senagal oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Inta aan xilkan cusub loo magacaabin waxaa uu ahaa ku xigeenka madaxa bangiga u qaabilsan dhanka kaabayaasha dhaqaale.