Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa amartay in dhammaan dacwadaha maxkamadaha horyaalla ee la xiriira hadallada naceybka ku saleysan la soo gabagabeeyo afarta bilood ee soo socoto.
Waxaa ay dhanka kale ka codsatay dhammaan madaxda maxkamadaha sare ee dalka ku yaalla inay dedejiyaan kiisaska naceybka ku saleysan.
Mrs. Martha Koome ayaa ka dalbatay dhammaan saraakiisha cadaaladda ee hoggaamiyo maxkamadaha dalka qaybahooda kala duwan inay u soo gudbiyaan dhaqangelinta amarkaas muddo 3 bilood ah gudaheed.
Waxaa ay shaaca ka qaadday inay wargeyska dowladda kusoo daabici doonto 119 oo ah saraakiisha waaxda garsoorka kuwaas oo loo xilsaari doono la tacaalidda murannada ka dhasha doorashooyinka.
Koome ayaa xustay in maxkamadaha ay muhiimadda koowaad siinayaan dambiyada la xiriira hadallada naceybka, islamarkaana laga sameyn doona goobaha uu guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) uu aqoonsado in fiiro gaar ah loo yeesho.
Madaxa cadaaladda ayaa carrabka ku dhufatay in NCIC ay walaac ka muujiyeen dib u dhaca dhageysiga dacwadaha la xiriira hadallada naceybka.
Waxaa ay sheegtay in maxkamado gaar ah loo igmi doono dacwadahaan.
Ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kisumu, Eldoret iyo Nakuru ayaa ah goobaha loo aqoonsaday inay yihiin kuwa halista ah islamarkana laga sameyn doono maxkamado gaar ah oo dacwadaha arrinkan la xiriira dhageysto.
Home Wararka Kenya Martha Koome oo amartay in kiisaska hadallada naceybka lagu soo gabagabeeyo muddo...