Jimmi Wanjigi oo loo qabtay 72 saacadood inuu soo wareejiyo hub sharci darro ah oo uu haysto

0
456

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa ganacsadaha lagu magacaabo Jimi Wanjigi sidoo kalena ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadkan u qabatay muddo 72 saacadood ah inuu kusoo wareejiyo 11 qori oo la sheegay inuu si sharci darro ah ku haysto.
Sidoo kale waaxda DCI-da ayaa laga soo xigtay in Wanjigi laga doonayo inuu soo dhiibo 485 xabo oo rasaas ah oo uu haysto.
DCI-da ayaa sidoo kale sheegtay in Mr. Wanjigi uu diiday inuu hor yimaado gudigga sharciyaynta iyo shati bixinta hubka 26-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore.
Agaasimaha waaxda dambi baarista ,George Kinoti ayaa sheegay in haysashada hubka sharci darrada ah, gaar ahaan xilligan uu dalka ka jiro dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed loo isticmaali karo in dad lagu dhibaateeyo ama lagu gaysto xadgudubyo kala duwan.
Qaybta 4-aad iyo koowaad ee farqada 114-aad ee xeerarka wadanka lagu maamulo ayaa qeexaya in qofka haddii uu iibsado, helo ama haysto wax hub ah ama rasaas isagoona haysan shati uu dambiile noqonayo.
Dhanka kale Jimi Wanjigi ayaa loo diiday inuu qayb ka noqdo shirweynaha ergada qaran ee xisbiga ODM ee lagu wado inuu qabsoomo 26-ka bishan.
Arrintan ayaa timid ka dib markii Wanjigi uu dhawaan sheegay inuu qayb ka yahay ergada xisbiga ODM, islamarkaana uu ka qaybgeli doono shirweynaha.