Isbeheysiga Kenya Kwanza oo ka digay in dalka uu deyn kale oo dheeraad ah soo amaahdo

0
415

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee isbeheysiga Kenya Kwanza ee kala ah madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto, madaxa ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ayaa maanta sheegay in deynta dalka lagu leeyahay ay laba jibaarantay tan iyo markii ay 2018-kii heshiiyeen madaxweynaha dalka iyo Raila Odinga.
Waxaa ay xuseen in deynta wadanka lagu lahaa sanadkii 2018-kii ay ahayd 4.5 tiriliyan oo shilin, haatan ay tahay 11.7 tiriliyan.
Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen ismaamulka Meru ayay sheegeen inay ka war qabaan in wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Ukur Yattani uu qorsheynaya in baarlamaanka uu u gudbiyo deyn cusub oo dhan 12 tiriliyan oo shilinka dalka ah.
Isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa ku boorriyay golaha qaran ee xeer dejinta iyo dhiggooda aqalka sare inay meesha ka saaraan codsi kasta oo kaga yimaada wasiirka maaliyadda ee dalka ee ku aadan ansaxinta deyn cusub iyadoo doorashada guud inaga xigto 5 bilood.
Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa xusay in deynta badan ee dalka lagu leeyahay ay cuuryaamisay xaaladda miisaaniyadeed ee wadanka.
Waxaa uu isbeheysiga Kenya Kwanza ku boorriyay wasiirka maaliyaada inuusan saxiixin wax deymo ah oo cusub.
Waxaa ay dhanka kale carrabka ku dhufteen in loo baahneen in wax laga beddelo dastuurka dalka lagu maamullo, si lacag badan loo siiyo ismaamullada.
Isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa dhanka kale soo jeediyay wax ka beddelka miisaaniyadda ee sanad maaliyadeedka 2022 ilaa 2023-ka, si loo bixiyo dhaqaalo dheeraad oo dhan 2 bilyan oo shilin oo looga hortaggaya abaaraha.