Shakhsiyaadka aan isu diiwaangelin caymiska NHIF oo la ganaaxayo

0
486

Xeerar uu soo jeediyay caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF ayaa waxaa ku xusan in la ganaaxo dadka aan isu diiwaangelin caymiskan caafimaad.
Waxaa sidoo kale soo jeedintan ku xusan in dadka uu dakhligoodu sarreeyo laga jarayo dhaqaalo dheeraad ah.
Hasa ahaate waxaa soo jeedintan ka hor yimid Kenyan badan.
Daladda ururada shaqaalaha dalka ee COTU iyo waaxyaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa soo jeedintan ku tilmaamay mid uga sii dari doonto xaaladda liidata ee daryeelka caafimaad oo ay muwaadiniinta wajahayaan.
Tallabadan ayay NHIF oga gol leedhahay inay ku maalgeliso ama ku taageerto barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Mid ka mid ah shanta nooc ee xeer-hoosaadka ee ay soo jeedisay NHIF, waxa uu dhigayaa in qofka aan isu diiwaangelin caymiskan uu gelayaa dambi, waxaa uuna mutaysanayaa ganaax lacageed oo aan ka yareen 20 kun oo shilin.
Waxaa sidoo kale shakhsiyaadka uu mushaarkooda guud ka badan yihiin 100,000 oo shilinka dalka laga jaraya boqolkiiba 1.7 lacagta uu qaato una dhiganta 1700 oo shilin.
Dhanka kale NHIF ayaa qaban doonto dhegeysi dadweyne oo ku aadan soo jeedintan inta u dhexeysa 23-ka bishan ilaa 9-ka bisha soo socoto, iyada oo lagu beegsanayo dowladaha ismaamullada, la- howlgalayaasha horumarinta, shaqaalaha iyo ururrada loo shaqeeyo, hay’adaha sharciyeynta caafimaadka iyo ururradooda iyo sidoo kale guddiga caafimaadka ee baarlamaanka dalka.