Fahad Yaasiin oo ku wajahan Beledweyne iyo ciidamo diyaarado lagu geeyay Beledweyne

0
707

Diyaarad sidday Ciidamo la sheegay inay yihiin ilaalada gaar ah ee Fahad Yasiin Xaaji Daahir kana ambabaxday Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Beledweyne, kuwaas oo horudhac u ah Fahad Yaasiin oo ku wajahan Magaaladaasi.
Fahad Yaasiin ayaa u sharraxan kursiga HOP#086 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir, wuxuuna kursigaas ka mid yahay kuraas doorashadooda la qabanayo 20-ka Bishan oo ku beegan Maalinta Axadda ah ee soo socota.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka laga dejiyay Garoonka diyaaraha Beledweyne lagu qaaday dhowr Gaari oo kuwa dagaalka ah, kuwaas oo la geeyay qaybo ka mid ah Magaalada Beledweyne.
Sidoo kale Waaberigii hore ee saaka ayaa waxaa Magaalada Beledweyne la geeyay Ergadii dooran lahayd Fahad Yaasin kuwaas oo la dajiyay goob amnigeeda aad loo adkeeyay oo ku taalla aga-gaarka xerada Amisom qaybta Afaraad ee ku taalla deegaanka Ceeljaalle.
Ugu dambeyn maalinta Axadda ah ayaa loo badinayaa in Fahad Yasiin uu Beledweyne gaari doono si doorashada kursiga uu u sharraxanyahay oo la sii saadaalinayo in uusan tartan badan ka dhaci doonin uu qaato.