Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in la kordhiyo maalgelinta isbeddelka cimillada

0
753

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo ku sugan magaalada Brussels ee wadanka Belgium ayaa soo jeediyay in sare loo qaado miisaaniyadda loo qoondeeyo wax ka qabashada isbeddelka ku yimaado cimillada.
Waxaa uu madaxda dhigiisa ah ee ka qayb galaya shirka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub kula taliyay inay mudnaanta koowaad siiyaan sidii dhaqaale ku filan loogu heli lahaa la tacaalidda caqabaddan caalamiga ah.
Madaweyne Kenya ayaa ka digay haddii aan saameynta isbeddelka cimillada si dhow loola socon inay waxyeello soo gaari karto haleelidda bartilmaameedsiga horumarineed ee dunida oo ay ka mid tahay hiigsiga horumarka waara ee qaramada midoobay ee (SDGs).
Shirka Brussels ka socdo oo maanta la soo gabagabeynaya ayaa sidoo kale looga arrinsanayaa arrimaha cudurka COVID-19 , wax soo saarka beeraha , waxbarashada, dhaqanka iyo qodobbo kale.