Aqalka sare oo baaritaano ku haya dhulal laga dhacay xaafadaha Pumwani iyo Islii

0
511

Guddiga aqalka sare u qaabilsan arrimaha dowlad wadaajinta iyo xiriirka ka dhexeya labada heer ee dowladda ayaa baaritaano ku haya qaybo ka mid ah dhulalka dowladda oo la rumeysan yahay in shakhsiyaad gaar ah ay si sharci darro ah kula wareegeen.
Dhulalkan ayaa ku yaalla xaafadaha Pumwani iyo Islii ee magaalada Nairobi.
Xubnaha guddigan oo uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Homa Bay Moses Kajwang ayaa socdaal ku tagay xaafadahan waxayna sheegeen inay qasab tahay in maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee ismaamulka Nairobi ee NMS uu ka jawaabo eedeymaha ku aaddan dhulalka la boobay.
Moses Kajwang ayaa hoosta ka xarriiqay inay si gaar ah u eegayaan oo ayna ku dadaalayaan sidii loo xaqiijin lahaa eedeynta ah in maamulka uu hoggaamiyo Maxamad Cabdalla Badi uu qayb ka yahay dhaca dhulalka dowladda.
Millicent omanga oo aqalka sare ee dalka si magacaabid ah ku gashay sidoo kalena xubin ka ah guddiga dowlad wadaajinta ayaa ka hadashay boobka sharci darrada ah ee dhulalka dowladda.

Meelaha muranka ka taagan yahay waxaa ka mid ah dhul ay horay u degganayeen shaqaalaha shirkadda biyaha iyo bullaacadaha ee Nairobi (NCWSC) oo ku taalla Section 3 taasoo dhawaan ay howlo dhismo ka socdeen ka dib markii saraakiisha degganaa si sharci darro ah looga barakiciyay.
Mid ka mid ah dadka ay arrintan saameysay ayaa dareenkeeda warbaahinta la wadaagtay.

Guddiga arrimaha dowlad wadaajinta ayaa sheegay inay u yeeri doonaan agaasimaha guud ee NMS Maxamad Cabdalla Badi iyo barasaabka ismaamulka Nairobi Anne Kananu si ay arrimahan uga war bixiyaan.