Maamulayaasha dugsiyada oo lagu amray inay soo celiyaan arday loo eryay qarashaadka tacliinta

0
421

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maamulayaasha dugsiyada sare ku amray inay dib ugu yeeraan ardayda ay xaafadaha u direen si ay u bixiyaan qarashaadka lagu dhigto iskoollada.
Wasiirka ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyeri sheegay inay sameyn doonaan tirakoob lagu xaqiijinaya in dhamaan ardayda ay dugsiyada xaadir ku yihiin si gaar ah kuwa u fariisanaya imtixaanka qaran ee shahaaddiga ah.
Magoha ayaa soo saaray digniin ah inuusan jirin arday laga carqaladeyn karo geeddisocodka waxbarasho , lacago lagu leeyahay awgeed.
Prof. Magoha ayaa maamulayaasha uga digay inay ardayda ka eryaan xarumaha waxbarashada iyagoo ka dalbanaya inay soo dhameystiraan qarashaadka tacliinta.
Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in la dhameystiray wajiga koowaad ee dhisidda fasallada loogu talagalay manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la qaybiyay boqolkiiba 90 ee buugaagta ay isticmaalayaan ardayda fasalka 6-aad ee manhajkan halka boqolkiiba 10-ka dhiman la qaybin doono toddobaadka soo socdo.
Jadwalka imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashada dalka ayaa muujinaya in imtixaanka fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da la billaabi doono 7-da bisha saddexaad ee sanadkan oo ayna soconayaa ilaa 10-ka Maarso halka imtixaanaadka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ay socon doonaan inta u dhexeysa 11-ka bisha saddexaad ilaa 1-da bisha Afaraad ee 2022-ka.