Madaxweyne Kenyatta oo ka tacsiyeeyay geerida aabaha xoghayaha maamulka sare ee warshadaha

0
536

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo dhammaan asxaabta xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda warshadaha wadanka David Osiany ka dib markii uu geeriyooday aabaha mas’uulkan Mzee Jared Obuola Osiany.
Mr Osiany oo 62 jir ahaa ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi oo lagu daweeynayay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa Osiany ku tilmaamay waddani muddo dheer si wanaagsan ugu soo shaqeeyay dowladda.
Mr. Osiany, oo horay u soo noqday maareeyaha adeegyada bulshada ee shirkadda sokorta ee Sony ayuu Mr. Kenyatta ku sheegay shakhsi ku dayasho mudan oo dhiirrigeliyay aqoonyahaano da’yar ah.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo madaxa xisbiga Ford Kenya Moses Wetangula ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid xildhibaankii hore ee deegaanka Mt. Elgon ee ismaamulka Bungoma John Serut.
Ruto ayaa Serut ku tilmaamay siyaasi si go’aan iyo geesinnimo leh uga hadli jiray arrimaha deegaankiisa ee ay shacabku tabanayaan.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa intaasi ku daray in mudanaha hore ee geeriyooday uu aad ugu fiicnaa dhanka doodaha iyo u ololeynta helidda caddaalad loo siman yahay.
Senatarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula ayaa dhankiisa ku tilmaamay hoggaamiye dadaal badan , lagu kalsoonaan karo sidoo kalena dadaal badan ku bixiyay midnimada shacabka Bungoma iyo horumarinta noloshooda.
Senatarkii hore ee ismaamulka Machakos ahna guddoomiyaha xisbiga UDA Johnstone Muthama ayaa kenyaanka ka codsaday inay taageero u muujiyaan qoyska uu ka baxay John Serut.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii qoyska John Serut ay dadweynaha ka codsadeen inay ka caawiyaan bixinta qarashaad caafimaad oo dhan 20 milyan oo shilin.
Siyaasigan hore ayaa isagoo 67 sano jir ah abaare 3:45 aroornimo ee maanta ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.
Gabadhiisa oo lagu magacaabo Michelle Serut ayaa warbaahinta u sheegtay in cudurka kansarka uu galaaftay nolosha aabaheed.
Waxaa uu xildhibaan soo noqday labo mar ka hor intii uunan doorashadii 2017-kii loolanka kaga adkaan Fred Kapondi