Guddiga EACC oo u yeeray guddoomiyaha golaha hoose ee Baringo iyo 12 ka mid ah wakiillada

0
558

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa u yeeray guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Baringo David Kiplagat, ku xigeenkiisa Jacob Cheboiwo,karaaniga Richard Koech, saddex ka mid ah saraakiisha ilaalada ee golaha iyo wakiillo.
Mas’uuliyiintan ayaa su’aalo laga weydiinayaa qalalaase toddobaadkii hore saameeyay golaha hoose ee Baringo xilli wakiillada ay ka doodayeen hindisaha sharci beddelka ee BBI.
Khamiistii hore ayay ahayd markii wakiillada ay diideen in ay codkooda ku taageeraan qorshaha lagu beddelayo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka dalka.
Guddiga EACC ayaa doonaya in wakiilo dhan 12 iyo saraakiisha kale ee loo yeeray ay cadeeyaan cidii ka dambeysay rabshadii dhacday khamiistii hore.
EACC ayaa ku dadaalaysa in ay oggaato mas’uulka aan u hoggaansamin xeerka u degsan hab-dhaqanka laga doonayo qofka hoggaamiyaha ah.
Wakiillada waxaa ka mid ah Silas Tochim, Maria Losile, Solomon Makal, Caroline Kessel, Betty Birchogo, Shadrack Mailuk, Lawi Kipchumba, Lourien Sam, Daniel Tuwit, Reuben Chepsongoi, Charles Kosgei iyo Ernest Kibet.
Madaxa EACC ee Koonfurta Rift Valley Xasan Khalid ayaa siyaasiyiintan ku amray in ay iska soo xaadiriyaan xafiisyada guddiga ee ismaamulka si ay uga jawabaan su’aalo la weydiinaya farriimana ay u qoraan.
Warqadda loo qoray karaaniga golaha hoose ee ismaamulka Baringo waxaa ku cad in 18-ka qof ee loo yeeray ay farriimo qori doonaan inta u dhexeysa 22 ilaa 24-ka bishan labaad.
Markii uu qalalaasaha dhacayay , 30 ka mid ah wakiillada oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa ka soo horjeestay hindise sharciyeedka BBI halka 11 matalaya xisbiga KANU ay u codeyeen.