Madaxa waaxda cadaaladda ee Kenya Martha Koome ayaa sheegtay in howlwadeeno gaaraya 1,000 la siin doono tababarro ku saabsan la tacaalidda murannada ka dhasha doorashooyinka.
Waxaa tababarkan bixin doono guddiga arrimaha doorashooyinka ee garsoorka dalka ee (JCE).
Koome ayaa xustay in saraakiisha barnaamijkan ka faa’iidaysanaya ay isugu jiraan 600 oo garsoorayaal ah iyo 400 oo ah shaqaalaha dheeraadka ee waaxda cadaaladda.
Madaxa garsoorka Kenya waxay sidoo kale sheegtay in guddiga JCE uu dhaqangelinayo qorsho –howleed looga gol-leeyahay in waaxda cadaaladda ay si buuxda ugu diyaar garowdo maareynta khilaafyada ka hor doorashada iyo marka la soo gabagabeeyo ka dib.
Martha Koome ayaa kenyaanka u xaqiijisay in waaxda ay hoggaamiso ay ka go’an tahay ilaalinta cadaaladda iyo hufnaanta geeddisocodka doorasho.