Isbeheysiga Kenya Kwanza oo maanta isku soo bax ku qabanaya Murang’a

0
648

Waxaa la filayaa in siyaasiyiinta ku midoobay isbeheysiga Kenya Kwanza ee kala ah madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto, madaxa ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ay maanta ololahooda geeyaan ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka.
Hoggaamiyaashan ayaa socdaalkooda ka billaabi doono deegaan baarlamaneedka Kandara oo ay abaare 9:30 subaxnimo mashruuc dhismo ka dhagax dhigi doonaan dugsiga sare ee Waitwa.
Waxay intaasi ka dib u sii gudbayaan xarunta ganacsiga ee Kaburugi ee isla deegaankaasi oo lagu wado inay isku soo bax ku qabtaan ka hor 12-ka duhurnimo.
William Ruto iyo xulafadiisa siyaasadeed ayaa sidoo kale ololahooda u bandhigi doono dadweynaha ku nool deegaan baarlamaneedka Gatanga ee isla dowlad deegaanka Murang’a.