Kenyaankii ugu horreeyay ee si cad u shaaciyay inuu la nool yahay cudurka AIDS-ka oo geeriyooday

0
457

Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday Dr. Joe Muriuki, oo ahaa shakhsigii ugu horreeyay oo Kenyaan ah islamarkaana goob fagaare ah shaaca kaga qaaday inuu la nool yahay fayraska HIV-AIDS-ka.
Dr. Joe Muriuki ayaa ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital, ka dib markii muddo ka badan 35 sano uu xanuunkan qabay.
Ururka qaran ee qaabilsan isku xirka iyo awoodsinta dadka la nool cudurka HIV/AIDS ee Kenya (NEPHAK), ayaa laga soo xigtay in Dr. Muriuki uu geeriyooday abaare 8-dii fiidnimo ee xalay.
Waxaa uu ururkan intaasi ku daray in Dr. Joe muddo labo sano ah isbitaalka qaran ee Kenyatta looga daweeynayay xanuunka Kansarka ee ku dhaca mindhicirka heerkiisa 4-aad, ka hor geeridiisa.
Muriuki ayaa waxa uu ahaa xisaabiyaha golaha hoose ee Nairobi bishii sagaalaad ee sanadkii 1987-kii, markaas oo uu goob fagaare ah shaaca kaga qaaday xaaladdiisa caafimaad ee la xiriirta fayraska HIV.
Waxaana dhowr bilood ka dib, wiil u dhashay laga waayay xanuunkan.
Waxaa Dr.Muriuki lagu ammaanay xilli dadka la nool cudurka HIV/AIDS la faquuqi jiray lana takoorayay, islamarkaana sanadkii 1987-kii uu goob fagaare ah kaga dhawaaqay in uu xanuunka qaba, bilooyin ka hor markii uu haleelay xanuunka ee isla sanadkaasi.