William Ruto oo ballanqaaday inuu waaxda garsoorka ka dhigaya mid dhaqaale ahaan madax bannaan

0
587

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in haddii bisha siddeedaad ee sanadkan uu ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya wadanka , maamulkiisa uu xaqiijin doono in waaxda cadaaladda laga haqab tiro baahiyaha dhaqaale.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in marka uu xafiiska madaxweynaha la wareego ka dib uu sida ugu dhaqsiyaha badan u hirgelinaya sanduuqa dhaqaale ee garsoorka dalka.
William Ruto ayaa xusay in tani ay waaxda cadaaladda fursad u siin doonto inay si buuxda u gudato waajibaadkeeda dastuuriga ah iyadoo aynan jirin caqabad miisaaniyadeed.
Hoggaamiyaha labaad ee Kenya ayaa ku celceliyay in qorshihiisu uu yahay in la helo garsoor aysan cidna faragelin oo si siman oo caddaalad ah ugu adeega dhammaan kenyaanka.
Hadalkan ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka saaka ka jeediyay suuqa Village Market ee magaalada Nairobi halkaasoo uu kulan kula qaatay golaha ganacsiga ee qaaradda Yurub ee Kenya oo ay xubno ka yihiin 17 waddan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu soo dhisi doono sidoo kalena kuwo awood leh ka dhigaya hay’adaha madaxa bannaan ee qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa.
William Ruto ayaa qiray in horumar laga gaaray la tacaalidda falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha in kastoo ay jiraan waxyaabo aan weli lagu guulaysan.
Waxaa uu tilmaamay in heshiiskii taariikhiga ahaa ee sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu meesha ka saaray garabkii mucaaradka iyo qaab kasta oo isla xisaabtan ah.
Ruto ayaa ku doodaya in dhacdooyinka musuqa ay kordheen tan iyo markii Uhuru iyo Odinga ay is gacan qaadeen.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa ganacsatada u xaqiijiyay in sanadkan ay Kenya ka dhici doonto doorasho nabad ah.
Guddomiyaha golaha ganacsiga Yurub ee Kenya Darren Gillen ayaa soo dhaweeyay xaqiijinta ah in codeynta guud ay si nabad ah u qabsoomi doonto isagoo xusay in ganacsato ahaan ay dani ugu jirto xasiloonida wadanka.