Wakiilka haweenka ee Murang’a oo ka soo hormuuqanaysa IEBC

0
641

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka Sabina Chege ayaa lagu wadaa inay maanta iska xaadiriso xarunta dhexe ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka (IEBC).
Guddiga ayaa Jimcihii la soo dhaafay u yeeray Chege si ay uga jawaabto hadal ay ka jeedisay ismaamulka Vihiga oo hadal hayn abuuray.
Haweeneydan ayaa maalmo ka hor sheegtay in horay loo dhacay natiijada doorashada guud oo ayna suurtagal tahay in natiijada codeynta bisha sideedaad ee sanadkan lagu shubto.
Hasa ahaate waxaa taasi beeniyay siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Wakiilka haweenka ee Murang’a ayaa hor tagi doonto qaybta IEBC u qaabilsan habdhaqanka