Magaala madaxda dalka Tunisia ee Tunis ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay mudaharaadyo ay shacabka ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan go’aamo uu dhawaan qaatay madaxweynaha wadankaasi Kais Saeid.
Waxaa dibadbaxa soo qaban qaabiyay xisbiga ugu wayn ee Tunisia ee Ennahda iyo urur bulsho.
Tani ayaa imaanaysa ka hor inta aan dadweynaha loo soo bandhigin digreeto uu soo saaray hoggaamiyaha Tunisia.
Dibadbaxayaasha ayaa sitay calanka dalkaasi iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka mid yihiin in la joojiyo afgembiga oo uu madaxweynaha faraha kala baxo arrimaha garsoorka.
Arbacadii ayay ahayd markii ururka garsoorayaasha dalka Tunisia ay billaabeen shaqo joojin qaran oo qaadatay labo cisho.
Shalay ayuu madaxweynaha Tunisia Kais Saeid soo saaray digreeto lagu soo magacaabaya xubnaha golaha sare ee waaxda garsoorka ee wadankaasi.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalkaasi si wayn loogu dhaliilay tallaabo uu ku kala diray xubnaha gole sare oo qaabilsanaa xaqiijinta madax bannaanida garsoorayaasha.
Waxaa uu xilligaasi sheegay in laga soo gudbay xilligii uu shaqeyn lahaa gole noocani ah.
Hasa ahaate waxay u muuqataa in madaxweyne Kais Saeid uu tixgeliyo codsiyo badan oo loo jeediyay iyo cadaadis xooggan oo la saaray.
Digreetada shalay lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladad Tunisia waxaa ku cad in madaxweynaha uu shaqada ka joojin karo garsoorayaasha dayaca waajibaadkooda dastuuriga ah.
Sidoo kale waxaa uu awood u leeyahay inuu ka soo hor jeesto dallacsiinta,in meelo kale loo wareejiyo iyo magacaabidda xaakinnada haddii uunan ku qancin.
Digreetada waxay sidoo kale garsoorayaasha ka mamnuucaysa inay dibadbax sameeyaan.