Madaxweynaha Tunisia oo soo saaray digreeto lagu magacaabaya golaha sare ee garsoorka

0
322

Waxaa lagu soo warramayaa in madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saeid uu soo saaray digreeto lagu soo magacaabaya xubnaha golaha sare ee waaxda garsoorka ee wadankaasi.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalkaasi si wayn loogu dhaliilay tallaabo uu ku kala diray xubnaha gole sare oo qaabilsanaa xaqiijinta madax bannaanida garsoorayaasha.
Waxaa uu xilligaasi sheegay in laga soo gudbay xilligii uu shaqeyn lahaa gole noocani ah.
Hasa ahaate waxay u muuqataa in madaxweyne Kais Saeid uu tixgeliyo codsiyo badan oo loo jeediyay iyo cadaadis xooggan oo la saaray.
Digreetada maanta lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladad Tunisia waxaa ku cad in madaxweynaha uu shaqada ka joojin karo garsoorayaasha dayaca waajibaadkooda dastuuriga ah.
Sidoo kale waxaa uu awood u leeyahay inuu ka soo hor jeesto dallacsiinta iyo magacaabidda xaakinnada haddii uunan ku qancin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maanta la qorsheeyay in wadankaasi ay dibadbaxyo ka dhacaan.