Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta uu ka baxay mudanihii hore ee deegaan baarlamaneedka Kangema ee ismaamulka Murang’a Tiras Nyingi Ngahu .
Siyaasigan hore ayaa shalay geeriyooday isagoo lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.
Madaxweynaha ayaa xusay in Mr. Ngahu ilaa iyo wakhtigii uu geeriyoonayay uu ahaa agaasime sare oo ka tirsan xisbiga Jubilee.
Waxaa uu xildhibaanka hore ku tilmaamay shakhsi ay aad ugu waynayd waddaniyadda iyo sida uu daacad ugu yahay dalkiisa.
Qoraalka madaxtooyada dalka waxaa ku cad in Tiras Nyingi Ngahu ay ka go’anayd horumarinta wadankiisa iyo si gaar ah shacabka ismaamulka Murang’a .
Madaxweyne Kenyatta waxaa uu intaasi ku daray in xildhibaanka hore ee deegaanka Kangema uu lahaa mabda’ siyaasadeed oo aan isbeddelin isagoo diiradda saari jiray ka shaqeynta danaha kenyaanka.
Tiras ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii safka hore uga jiray u ololeynta hindisaha sharci beddelka ee BBI-da.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in aan marnaba la hilmaami doonin kaalintii uu siyaasigan hore ka soo qaatay horumarinta waaxda caymiska isagoo qoyska uu ka baxayna u sheegay inuu murugada la qaybsanaya.