Guddoomiyaha baarlamaanka oo soo jeediyay in la dilo dadka musuqmaasuqa lagu cadeeyo

0
333

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga DP Justin Muturi ayaa sheegay inay habboon tahay in xukun dil ah lagu rido eedeysanayaasha ay maxkamaddu ku hesho dembi ah inay musuqmaasuq sameeyeen .
Waxaa uu Muturi sheegay haddii loo doorto madaxweynaha Kenya in maamulkiisa uu mudnaanta koowaad siin doono la dagaalanka falalka wax isdaba marinta.
Muturi ayaa yiri” Dadka musuqa ku kaco waa in meel beer ah la geeyo oo loogu yeero ciidamo toogta”
Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta ayaa su’aal geliyay sababta ay muddo dheer u qaadato in la soo gabagabeeyo dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa iyadoo tani ay tahay caqabad dhaqaale.