DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo la kulmay siyaasiyiinta ismaamullada Mandera iyo Isiolo

0
307

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada Mandera iyo Isiolo ee gobolka waqooyiga wadanka.
Madaxda uu Mr. Kenyatta la kulmay ayaa ka wada tirsan xisbiga talada dalka haya ee Jubilee.
Siyaasiyiin ay ka mid yihiin barasaabka dowlad deegaanka Mandera Cali Ibraahim Roba, xildhibaannada golaha qaran ee xeer dejinta ku matala ismaamulkaasi, wakiilka haweenka ee dowlad deegaanka Isiolo Rehema Jeldesa, guddoomiyihii hore ee dowlad deegaankaasi Godana Doyo iyo ma’suuliyiin kale oo ka soo jeeda ismaamulladan ayaa hoggaamiyaha dalka ugu sarreeya ku ammaanay inuu waqooyiga dalka ka hirgeliyay mashaariic horumarineed oo kala duwan inta uu xilka hayay.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya ismaamulladan.
Waxaa ka mid ah qodobbada kale ee diiradda lagu saaray kulankan, amniga, abaaraha iyo macluusha hadda ka jirta gobolka waqooyiga dalka.
Waxaa ay madaxdan dowladda dhexe ka codsadeen inay soo farageliso sidii loo samatabixin lahaa dadka ay abaartu saameysay ee waqooyiga dalka.
Mas’uuliyiintan ayaa dhanka kale madaxweynaha u xaqiijiyay inay sii wadayaan taageerrada ay u hayaan.
Gobolka waqooyiga dalka ayaa ahaa taageeraha ugu muhiimsan ee xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee oo sida la saadaalinayo la filayo in xisbigan uu taageero doorashada guud bisha siddeedaad ee sanadkan garabka hiigsiga mideynta bulshada ee Azimio La Umoja ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ahna madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.