Maxkamadda ismaamulka Nakuru ayaa maanta wax dembi ah ku waysay xildhibaanka deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu Oscar Sudi.
Mudanaha ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu aflagaadeeyay hooyada madaxweynaha dalka Mama Ngina Kenyatta.
Hasa ahaate garsoore sare ,Isaac Orenge ayaa xusay in aan loo soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo in xildhibaanka lagu caddeeyo eedeynta loo jeediyay.
Bishii sagalaad ee sanadkii 2020-kii ayaa Oscar Sudi lagu soo oogay inuu ku kacay habdhaqan xumo iyo adeegsiga hadal naceyb abuuri karo.