Wasaaradda caafimaadka oo cudurka COVID-19 ka tallaashay 14.4 milyan oo qof

0
367

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in ilaa iyo hadda dadka qaatay dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 ay tiradoodu tahay 14,465,822 oo qof.
48-dii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa caabuqa corona gudaha wadanka looga tallaalay 99,528.
Sidoo kale dadka waawayn ee si buuxda u qaatay tallaalka ayay tiradoodu tahay boqolkiiba 24.4.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda dhexe ay ku dadaalayso sidii tallaalka loo gaarsiin lahaa in ka badan 27 milyan oo kenyaan ah.
Wasaaradda caafimaadka ayaa si joogto ah dadweynaha ugu boorrinaysa inay u soo baxaan qaadashada dawooyinka tallaalka halka xaaladaha guud ee caabuqa corona ee Kenya ay hadda yihiin 322,334 .
Waxaa xanuunka COVID-19 gudaha dalka uga caafimaaday 300,305 ruux halka 5,626 ay u geeriyoodeen.