WHO oo sheegaysa in kiisaska COVID-19 ee Afrika ay 7 mar ka badan yihiin inta la soo tabiyay

0
402

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay suurtagal tahay in tirada xaaladaha cudurka COVID-19 ee qaaradda Afrika ay toddobo jibbaar ka badan tahay inta ay dowladuhu diiwaangeliyeen.
Madaxa WHO ee Afrika Dr. Matshidiso Moeti ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Bayaan ay soo saartay ayay ku xustay in tirada dhimashada ka dhalatay COVID-19 ee la diiwaangeliyay ay u badan tahay in ilaa labo ama saddex mar ay ka hooseyso midda saxda ah.