Kenya oo ku dadaalaysa inay ku guulaysato jagada hoggaamiye ku xigeenka golaha guud ee QM

0
399

Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirto sidii ay u hanan lahayd jagada ku xigeenka madaxa golaha guud ee qaramada midoobay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo goluhu uu inta u dhexeysa 2022 ilaa 2023-da uu yeelanaya kal-fadhigiisa 77-aad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Kenya ay taageero arrinkan ku aaddan ka heshay kal-fadhigii 35-aad ee Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Kulankaasi ayaa qabsoomay 5-tii ilaa 6-dii bishan labaad.
Mas’uuliyiinta AU-da ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta u doortay inuu muddo labo sano ah isku dubarido howlaha guddi qaabilsan la tacaalidda isbeddelka cimillada.