Shakhsiyaadka bisha siddeedaad ee sanadkan u tartamaya xilalka kala duwan ayaa laga doonaya in ugu dambeyn 26-ka bisha saddexaad ay shaaca ka qaadaan xisbiyada ay adeegsan doonaan.
Waxay tani u bandhigayaan xafiiska qaabilsan diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ee ay madaxa ka tahay Anne Nderitu.
Haweeneydan oo xalay wareysi gaar ah siisay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa xustay in haddii siyaasiga uu xisbi ka baxayo laga doonayo inuu qoraal is casilaad ah u gudbiyo xisbiga sidoo kalena uu wargeliyo guddoonka baarlamaanka ama golaha hoose ee ismaamullada haddii uu yahay wakiil laga soo doortay deegaan hoose.
Dhanka kale Anne Nderitu ayaa sheegtay inay ka war qabto dhacdooyin ay horay cabasho uga muujiyeen qaar ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta oo ah in iyagoo aan oggolaansho laga helin xisbi siyaasadeed laga diiwaangeliyay ama liiska xubnaha laga saaray.
Waxay kenyaanka u xaqiijisay in xafiiskeeda uu diyaariyay tallaabooyin mustaqbalka arrintan looga hor tagayo.
Anne Nderitu ayaa sidoo kale caddeysay in siyaasiyiinta sheegay inay xisbiyadii ay ka tirsanayeen iskaga baxeen iyagoo aan is casilaad rasmi ah gudbin weli loo aqoonsan yahay xubnaha xisbiyadaasi.
Sidoo kale waxay dareenkeeda ku biirisay hindise sharciyeedkii ay meel mariyeen baarlamaanka iyo aqalka sare oo uu saxiixay madaxweynaha.
Mrs. Nderitu waxay beenisay dhaliisha ah in isbeddelladan aan si buuxda loogala tashan dadweynaha waxayna ku adkeysatay in shacabka laga talo geliyay.
Nderitu waxay sidoo kale caddeysay in xeerkan uunan meesha ka saari doonin xafiiska hanti dhowraha qaranka ama uunan wax saameyn ah ku yeelan doonin waajibaadkiisa shaqo.
Home Wararka Kenya Musharraxiinta oo laga doonayo inay xisbiyadooda shaaciyaan dabayaaqada bisha saddexaad