Baabuurta ra’iisul wasaaraha Libya oo la rasaaseeyay

0
334

Waxaa lagu soo warramayaa in rag hubeysan ay rasaas ku fureen kolonyo baabuur ah oo uu la socday ra’iisul wasaaraha wadanka Liibiya Cabdulxamiid Dbeibah.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay caasimadda wadankaasi ee Tripoli.
Warbaahinta Aljazeera oo soo xiganaysa ilo wareedyo ayaa ku warramaysa in falkan uu dhacay aroornimadii hore ee maanta xilli hoggaamiyaha ku meel gaarka ah uu dib ugu soo laabanayay hooygiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah rasaasta ay haleeshay daaqadda baabuurka ra’iisul wasaaraha in kastoo isaga iyo darawalkiisaba aynan waxyeello soo gaarin.
Waaxda dacwad oogidda ee Liibiya ayaa sheegtay inay guda gadashay baaritaano ku aaddan dhacdadaasi.