Guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ee (KHRC) ayaa ciidamada booliska ee wadanka ku boorriyay in ay dedejiyaan baaritaannada kiis faraxumeyn ah oo lagula kacay arday wax ka barta dugsiga sare ee Aquinas ee magaalada Nairobi.
Qoraal uu guddigan soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka, ayuu ku codsaday in dhibanaha la faraxumeeyey la siiyo daryeel caafimaad oo wanaagsan iyo sidoo kale in booliska ay sameeyaan baaritaanno degdeg ah islamarkaana cadaaladda la horgeeyo dambiilayasha ku lugta leh arrintan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah waalidiinta ardayda wax ka barta dugsiga sare Aquinas shalay xabsiga loo taxaabay, ka dib markii ay ka mudaaharaadeen falka faraxumeynta ee loo gaystay mid ka mid ah ardayda.
Waalidiinta ayaa ka dibadbaxay in maamulka dugsiga uu qariyay dhacdadan.
Hasa ahaate guddiga xuquuqul aadanaha ee Kenya ee (KHRC) oo arrintan soo dhexgalay ayaa codsaday in la sii daayo dhammaan dadkii loo xiray dibadbaxa.
Guddiga KHRC ayaa dhanka kale sheegay in xarumaha waxbarashada ay mamnuuc ka tahay gobodfallada ama faraxumeynta iyo sidoo kale in la qariyo kiisaska noocaan ah.