IEBC:Wakiillada deegaannada hoose khasab ma aha inay maanta is casilaan

0
359

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa caddeeyay in wakiillada deegaannada hoose ee dalka ee doonaya inay u tartamaan jagooyin kale aan looga baahneyn inay maanta xafiiska banneeyaan.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa soo saaray bayaan uu kaga jawaabayay jahwareer ka dhashay hadal uu jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi.
Ka dib markii Muturi uu wakiillada u sheegay inay xafiisyada baneeyaan ayaa waxaa taasi ka soo horjeestay dallada MCA-yada ee CAF Ndegwa Wahome oo u sheegay inay shaqooyinkooda sii wataan.
Madaxa IEBC ayaa xusay in wakiillada daneynaya inay bisha siddeedaad u tartamaan xildhibaanannimo inay xafiiska baneeyaan ka hor inta aynan dokumeentiyadooda u gudbin sarkaalka guddiga doorashooyinka ku matalo maareynta codeynta.
Hoos ka akhriso bayaanka oo ku qoran luuqadda afka khalaad