IEBC oo u baahan 4.5 bilyan oo shilin

0
365

Iyadoo uu qorshuhu yahay in 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan ay Kenya ka dhacdo doorasho guud , ayuu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC walaac ka muujinayaa gaabad dhaqaale oo uu wajahaya.
Madaxa fulinta ee IEBC Xuseen Marjan ayaa baarlamaanka ku wargeliyay inay u baahan yihiin miisaaniyad dheeraad oo gaaraysa 4.5 bilyan si ay ugu guulaystaan maareynta doorashada.
Waxaa uu Marjan xusay in caqabaddan dhaqaale awgeed ay guddigu ku adkaan karto xaqiijinta saxiixyada kenyaanka isku diiwaangeliyay ka qayb qaadashada doorashada guud.
Ka dib markii dhawaan la soo gabagabeeyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha wadanka, waxaa guddiga IEBC laga sugayaa inuu muddo 30 cisho gudahood ah ku sifeeyo diiwaanka.
Xuseen Marjan, madaxa fulinta ee guddiga doorashooyinka ayaa baarlamaanka u sheegay in xaqiijinta saxiixyada ee ka hor doorashada ay ku baxayso lacag dhan 1.3 bilyan .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii aan loo qoondeyn miisaaniyadda ay u baahan yihiin ay saxiixyada kenyaanka u xaqiijin doonaan sidii ay horay sameeyeen oo kale iyadoo deegaannada hoose ee dalka la geynaya agab saddex ah.