Maraykanka oo hanjabaad u diray shakhsiyaad ay sheegeen inay dimuqraadiyadda Soomaaliya diidan yihiin

0
367

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay inuu xayiraad dhanka socdaalka ah uu kusoo rogay shakhsiyaad Soomaali ah, oo lagu eedeeyay inay diidan yihiin hannaanka dimuqraadiyadda ee wadanka Soomaaliya.
Waxaa uu Mareykanka sheegay in waddada ugu wanaagsan ee lagu gaari karo nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata ay tahay iyadoo si degdeg ah loo soo gabagabaynayo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu marar badan walaac ka muujiyay dib u dhacyada iyo habraaca doorashada Soomaaliya iyo saameynta ballaaran ay khaladaadkaas ku yeelan karaan dimuqraadiyadda iyo xasilloonida dalka Soomaaliya.
Hadalka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa kusoo aadayo iyadoo hal sano dheeraad ah markii uu dhmmaaday muddo xileedka madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ay shalay ku beegneyd.
Maraykanka ayaa sheegay inay il gaar ah ku eegayaan Sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha ee xaddidaya bixinta fiisaha shakhsiyaadka la aaminsan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ku howlan yihiin, wiiqista geeddisocodka Dimuqraadiyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan rabshado ka dhan ah dibadbaxayaasha, xarigga aan cadaalad ahayn, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo wax isdaba marinta habraaca doorashada.
Warkan ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu yiri Siyaasaddan ayaa lagu dabbaqi doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqay hannaanka doorashada, kuwaasoo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgelinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca, gaystayna caga jugleyn, xarig iyo tacadiyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo xubnaha kale.
War-murtiyeedkan ayaa intaasi ku daray in xayiraaddan ay sidoo kale saameyneyso qoysasaka shakhsiyaadkan oo aan magacoodaa la shaacin.