Guddoomiyaha baarlamaanka oo wacad ku maray inuu qayb ka sii ahaanaya loolanka madaxtinnimo

0
401

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta dalka Mr. Justin Muturi oo ka mid ah shakhsiyaadka u sharraxan xilka madaxweynenimo ee dalka sidoo kalena ka socda xisbiga DP ayaa ku adkaystay inuusan marna ka tanaasuli doonin hamigiisa ah inuu hoggaanka wadanka la wareego.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhanka kale xisbiga DP ee Muturi uu doonayo inuu la midoobo xisbiyada kale ee ay isku aragtida yihiin.
Justin Muturi ayaa sheegay in golaha sare ee xisbiga uu kulmi doono maanta si looga doodo waddada saxda ah ee ay qaadayaan gaar ahaan inay wada shaqayn la yeelanayaan hiigsiga Azimio la Umoja ama isbeheysiga Kenya Kwanza Alliance.
Guddoomiyaha baarlamaanka Kenya ayaa sheegay inay xisbi dhab ah yihiin tashiguna u socdo sidoo kalena ay go’aanka saxda ah qaadan doonaan.
Waxaa uu tilmaamay in su’aasha ah cidda ay isbeheysi ahaan ku biirayaan aysan ahayn go’aan la iska qaadanayo, balse ay u baahan tahay wadatashi, is afgarad iyo ansixinta ergooyinka qaran ee xisbiga DP.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo guddiga qaran ee xisbiga go’aamiyay in 20-ka bishan xarunta Bomas ee magaalada Nairobi lagu qabto shirweynaha ergooyinka qaran si ay u ansaxiyaan go’aammada muhiimka ah ee xisbiga ka hor inta aan la gaarin doorashada guud ee dalka ka dhacaysa 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan sida uu qorshuhu yahay.
Justin Muturi ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu ku sugnaa munaasabad lagu soo dhaweeynayay xubno ka soo baxay xisbiyada kala ah Ford- Kenya, Wiper iyo Narc Kenya.
Xisbiga Democratic Party (DP) ayaa isku diyaarinaya inuu dajiyo jihada uu wajahayo doorashada guud ee 2022-ka, wuxuuna guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta doonayaa in xisbiga sida ugu habboon loo jiheeyo ka hor codeynta guud.
Horraantii sanadkan, Mr .Muturi ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada ah inuu isku diyaarinayo ku biiritaanka isbeheysiga (OKA) ka hor doorashada bisha siddeedaad.