DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in shaqadu tahay in xafiisyada laga qabto balse aysan ahayn isu soo baxyada siyaasadeed

0
383

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha la soo doortay inay shaqooyin badan bulshada dooratay u qabtaan ayagoo meel iska dhigaya hadallada badan ee aan micnaha lahayn.
Waxaa uu madaxweynaha dalka u muuqday inuu hadalkan ula jeeday siyaasiyiinta wakhtigoodu ku lumiya dhaliisha dowladda.
Hoggaamiyaha wadanka oo aan cidna magac dhabin ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan qayb siyaasiyiinta ka mid ah oo sida uu hadalka u dhigay dalka oo dhan ku wareega islamarkaana kenyaanka u sheega waxqabadkooda.

Sidoo kale waxaa uu beeniyay inuu taageerayo musharrax madaxweyne oo gaar ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in aflagaaddada siyaasiyiinta aynan saameyn shakhsiyeed ku yeelan.

Madaxweynaha ayaa xusay in Kenya ay horumar wayn ka sameysay helitaanka adeegyo caafimaad oo caalami ah dhammaan dadkeeda .
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in dalku ku socdo jihada saxda ah.
Madaxweynaha ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu si rasmi ah u furayay shir sanadeedka shaqaalaha caafimaadka ee sanadkan, waxaa uuna sheegay in Kenya ay soo saarayso shaqaale caafimaad oo tayo leh.
Sidoo kale waxaa uu bogaadiyay shaqada qaybta caafimaadka ee jaamacadaha dalka, isagoo tilmaamay in xarumaha caafimaadka ee dowladda hirgalisay ay dad badan u adeegeen muddo aad u yar gudaheeda.
Shirkan oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa la doonayaa inay daneeyeyaashu fursad u helaan sidii ay isku waydaarsan lahaayeen sida ugu habboon ee la isku waafajin karo manhajka iyo tababarka xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ee dalka.
Ujeeddada laga leeyahay qorshahan ayaa ah in xirfadlayaashu ay taageeraan tiirarka muhiimka ah ee caafimaadka dadweynaha oo ka mid ah 4-ta ajande ee uu maamulka Jubilee bulshada u ballanqaaday.