DHAGEYSO:Nzioka Waita:Waxaa la igu cadaadinayaa in aan ka tanaasulo hamigeyga siyaasadeed ee u tartamida barasaabka Machakos

0
395

Madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi ,Nzioka Waita ayaa sheegay in lagu cadaadinya inuu ka tanaasulo hamigiisa siyaasadeed ee uu ku doonaya inuu u tartamo xilka barasaabka ee ismaamulka Machakos.
Mr. Waita oo warbaahinta kula hadlay dowald deegaanka Machakos ayaa sheegay in siyaasiyiin u magacaabin ee kasoo jeeda gobolka bari ee dalka ee Ukambani ay ugu baaqeen in go’aankiisa uu ku doonaya inuu isu sharraxo xilka guddoomiyaha Machakos uu ka laabto.
Madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi ayaa dhanka kale sheegay in berri uu xafiiska baneynayo islamarkaana xilkan uu iska casilaya.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha dalka uu ka codsan doona duco iyo garab istaag, sidoo kale uga mahadcelinaya inuu u ogolaaday u adeegida shacabka intii uu shaqadan hayay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu la shaqeyn doono garabka hiigsiga mideynta ee Azimio La Umoja ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Mar uu arrimaha ka hadlay ayuu yiri Nzioka Waita