DHAGEYSO:Ruto iyo xulafadiisa oo dhaliil u jeediyay madaxweynaha

0
372

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee dhawaan ku midoobay isbeheysiga Kenya Kwanza ee kala ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford Kenya Moses Wetangula ayaa shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka.
Waxay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uga digeen in isagoo adeegsanaya hiigsiga mideynta shacabka ee Azimio ee uu hor kacaya madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu Kenyaanka ku farageliyo cidda xigta ay hoggaanka wadanka u dhiibayaan.

Hasa ahaate madaxweyne Kenyatta ayaa horay u beeniyay inuu jiro musharrax madaxweyne oo uu si gaar ah u taageerayo.
Dhanka kale xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa waxba kama jiraan ku sheegay dhaliisha siyaasiyiintan ee ah in Raila Odinga uu yahay mashruuc siyaasadeed oo ay dowladdu garab siinayso.