DHAGEYSO:William Ruto oo maanta ololihiisa geeyay ismaamulka Vihiga

0
390

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee xisbiyada ANC,Ford-Kenya iyo UDA ayaa hadda ku sugan ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka.
William Ruto, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetangula oo wada shaqeyntooda shaaciyay 23-kii bishii hore ayaa sheegay inaysan marnaba oggolaan doonin in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu kenyaanka u far fiiqo cidda xigta ee kala wareegaysa hoggaanka wadanka.
Moses Wetangula oo shacabka ugu baaqay inay qaataan kaarka codeynta ayaa arrimahan dhawaan ka hadlay.

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegaya in sababta ay u midoobeen ay tahay wanaajinta dhaqaalaha wadanka