Hoggaamiyaha Narc Kenya oo ka hadashay inay ku xigeen u noqon karto Raila Odinga

0
364

Madaxa xisbiga Narc Kenya ,Martha Karua ayaa ka jawaabtay hadal hayn ah inay ku xigeen u noqon karto hoggaamiyaha ODM Raila Odinga iyo in kale.
Waxay sheegtay in keliya Raila uu yahay qofka arrintan si cad u sheegi karo balse aynan wax dhib ah ku qabin haddii codsi noocan ah loo soo bandhigo.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Martha Karua shaacisay inay la shaqeyn doonto isbeheysiga OKA oo mas’uuliyiinta hoggaamiyo uu Musalia Mudavadi ku eedeeyay inay u janjeerayaan dhanka hiigsiga horumarinta bulshada ee Raila Odinga.