Qorsho lagu xaqiijinayo ammaanka doorashooyinka dalka oo la soo bandhigay

0
427

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa soo bandhigtay qorsho ay doonayso inay ammaanka ku sugto xilliga ay dalka ka dhacayso doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa qorshaha ku cad tallaabooyinka ay taliyeyaasha booliska ee ismaamullada qaadi karaan iyagoo ku saleynaya xaaladda markaasi taagan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in tani ay caddeyn u tahay dadaalka ay geliyeen u diyaar garowga codeynta.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in nidaamka la soo bandhigay uu yahay mid saraakiisha ammaanka ku hagaya inay waajibaadkooda shaqo u gutaan qaab ay ku dheehan tahay caddaalad , eexasho la’aan , mas’uuliyad , u hoggaansanka xeerarka wadanka iyo bulshada oo si siman loola macaamilo.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa beeniyay dhaliilaha loo jeedinaya ee ah in dowladdu ay faragelinayso waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.