Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta Lyford Ibara ayaa dadweynaha ka codsaday inay qaataan dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah caabuqa corona.
Waxaa uu sheegay in muddo 10 cisho gudahood ah la qorsheynaya in cudur sidaha laga tallaalo ilaa 65,000 oo qof.
Guddoomiyaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in dawooyinka tallaalka ay saameyn caafimaad oo aan wanaagsanayn u keeni karaan qofka qaata.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda caafimaadka Mutahi Kagwe uu sheegay inay doonayaan in cudurka COVID-19 maalin kasta laga tallaalo hal milyan oo qof.