Haweeney ka tirsan baarlamaanka EALA oo lagu siidaayay hal milyan oo damaanad ah

0
472

Waxaa damaanad lacageed oo dhan hal milyan oo shilin lagu siidaayay Florence Jematia oo xubin ka ah golaha xeer dejinta bariga Afrika ee EALA.
Sidoo kale waxaa laga doonaya inay gudbiso labo waxyaabood oo qiimahan u dhigma oo damiin u noqon karo.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda loo soo taagay inay jeedisay hadal sababi karo kicin dadweyne.
Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa dalbatay in xildhibaannada 5 cisho oo dheeraad ah xabsiga lagu sii hayo si ay baaritaannada u soo gabagabeeyaan.
Hasa ahaate garsoore Nerolyne Idagwa oo ka howlgasho maxkamadda magaalada Kabarnet ee ismaamulka Baringo ayaa amar ku bixisay in eedeysanaha la siidaayo ugu dambeyn 3-da galabnino ee maanta.
Maxkamadda ayaa sidoo kale Florence Jematia uga digtay ka qayb galka isku soo baxyada dadweynaha waxaana laga dalbaday in muddo 5 cisho ah ay maalin kasta laga billaabo 9-ka subaxnimo iska xaadiriso xarunta waaxda dambi baarista ee DCI.
Haweeneydan ayaa lagu amray inaynan jeedin hadal kicinaya dareenka bulshada.