Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa muddo toddobaad ah ka nasanaya isu soo baxyada siyaasadeed iyo ololaha uu dalka kawaday, oo uu dadka ka dhaadhiciyo in bisha siddeedaad ee sanadkan ay ku taageeraan dadaalka uu ugu jiro la wareegidda hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Mr. Odinga, oo sidoo kale ah ergeyga sare ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha ayaa lagu wadaa inuu ka qayb galo shir madaxeedka midowga Afrika ee berri ka furmayo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Xafiiska warfaafinta ee madaxa xisbiga ODM ayaa laga soo xigtay in ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka uu dalka ka maqnaan doono muddo toddobaad ah.
Madaxa fulinta ee guddiga ololaha doorashooyinka ee hoggaamiyaha xisbiga ODM Elizabeth Meyo ayaa sheegtay in Raila Odinga uu shirka berri furmayo kaga qayb galayo isagoo ah ergeyga sare ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha.
Kal-fadhiga midowga Afrika ee dalka Itoobiya ayaa socon doonaa inta u dhexeysa 4-ta ilaa 6-da bishan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee golaha midowga Afrika,
Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan hoggaamiyayaasha dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa arrimo ay ka mid yihiin, isbeddelka cimilada, nabadda, amniga, dowladnimada, soo kabashada dhaqaalaha qaaradda iyo Is-dhexgalka bulshooyinka waddamadan.
Hoggaamiyaha xisbiga ODM ayaa lagu waday inuu isku soo baxyo ku qabto galbeedka dalka gaar ahaan ismaamullada Busia iyo Bungoma balse la baajiyay.