Wasiirka arrimaha gudaha oo shir guddoomiyay kulan amni

0
749

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr.Fred Matiang’i ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay xasiloonida gobolka Rift Valley.
Waxaa wasiirka shirka ku wehelinayay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Karanja Kibicho , abaanduulaha guud ee booliska Hillary Mutyambai , iskuduwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Maxamad Macallin.
Shirka ayaa waxaa ka qayb galay siyaasiyiin iyo guddoomiyaasha dowladda dhexe ku matalo ismaamullada Elgeyo Marakwet, Baringo, Galbeedka Pokot iyo Turkana.
Dowlad deegaannadan ayaa waxaa saameeyay falal amni darro oo salka ku haya dhaca xoolaha.
Warfidiyeennada oo dibad joog ka ahaa kulanka amni ayaa la filayaa in dib lagala wadaago qodobbada ka soo baxay ee lagu xaqiijinayo badqabka dadweynaha ku nool Rift Valley iyo hantidooda.